Ciidamada Militariga Somaliland & Ethiopia Oo Yeeshay Kulan Ay Kaga Hadleen Sidii Looga Hor Tagi Lahaa Covid-19

Saraakiil sarsare oo ka tirsan militariga Itoobiya iyo Somaliland ayaa Arbacadii wada qaatay Wadahadalo ay ku xoojinayaan talaabooyinka looga hortagayo faafitaanka Xanuunka Covid-19.

Waxa ka soo qayb galay shirka General Zewdu Belay, taliyaha ciidamada millatariga Itoobiya ee qaybta bari Iyo Sareeye guuto General Nuux Tani, taliyaha ciidamada Somaliland Iyo masuuliyiin kale oo dawladeed.

General Zewdu Belay ayaa sheegay in ujeedka Kulanku yahay sugista Amaanka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia Iyaga oo doonaya in ay si wada jir ah u qaadaan talaabooyin looga hor tagayo xanuunka Covid-19.

Taliyaha ciidamada Somaliland, Nuux Tani waxa uu sheegay in xanuunka Covid-19 uu ku sii badanayo adduunka oo dhan waliba doonayo in uu la shaqeeyo dhigiisa dawlada Ethiopia si loo joojiyo faafista xanuunka dilaaga ah.

Nuh Tani Ayaa sheegay in la isku Afgartay talaabooyin lagu joojinayo dhaq-dhaqaaqa xuduudaha labada dal.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay Somaliland qaaday talaabooyin dhawr ah oo ay ka mid tahay joojinta iska gudubka xuduudaha dalaka ay ka midka yihiin Jabuuti iyo Ethiopia.

Ciidamada millatariga iyo booliiska Itoobiya ayaa si wada jir ah u kormeeraya meelaha xuduudaha la leh Somaliland Si ay dadka uga hor istaagaan in ay gudbaan.

Ciidamada ayaa booqday Kontoroolka Tog Wajaale oo la xiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*