Ciidanka Dawlada Somalia Oo Alshabaab Kala Wareegay Tuulooyin Ay Maamulayeen.

ciidamada miliriga dalka Somalia oo ay wehelinayaan kuwa Daraawiisha Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ayaa waxa la sheegayaa in ay Hawlgalo ka fuliyeen degmada Diinsoor ee hoos taga Gobolka Baay Xubno ka tirsan Alshabaab.

Saraakiisha Hogaaminaysay Hawlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in ay hawlgalka ka bilaabeen deegaanka Gurbaan kadibna la wareegeen dagmooyinka Bandhuub iyo Biilane oo ay sheegeen in ay horay ugu sugnaayeen Ururka Alshabaab.

Saraakiisha Ciidanka Dawlada iyo kuwa Koonfur-Galbeed oo faah-faahiyay Hawlgalka waxa ay sheegeen in ay hawlgalada ka dambaysay kadib markii ay Maliishiyada Alshabab dileen dad shacab ah kuwaas oo raashin u soo waday dagmada Diinsoor ee hoos taga Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Gobolka Diinsoor oo hawlgalka hogaaminayay in wakhtiyada ay bisha Ramadaan soo dhawdahay Ay Alshabaab culaysyo soo saaraan dagmada Diinsoor waxana uu u sheegay shabacka dagmooyinka hoos taga Diinsoor u safraya in ay sii qaataan hubkooda si ay isaga difaacaan Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hawlgalka ay ciidamada dawlada iyo kuwa Daraawiisha Koonfur-galbeed ka qabteen Tuulooyinka Hoos Taga Dagmada Diinsoor ayaa imanaya xilli ay dhawaan saldhigyada ciidamada weerar ku soo qaadeen Alshabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*