COVID-19 Oo Khilaaf Xoogan Ka Dhex-Dhaliyay Maamul Goboleedyada Puntland & Hirshabelle

Waxa haatan soo if baxay Khilaaf weyn oo u dhexeeya Maamul Goboleedyada Puntland iyo Hirshabelle kaas oo ka dhashay xakamaynta Xanuunka COVID-19 ee dhawaan ka dilaacay gudaha Somalia.

Khilaafka ayaa yimid kadib Markii Madaxweynaha Puntland ee Siciid Cabdilaahi Deni uu Gacansatada Deegaanada Maamulka Puntland ku Amray in ayna wax raashin ah u gayn karin deegaanada Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Dani ayaa Arintan oo saamayn ku yeelatay dadka reer Hiiraan ku sheegay mid lagu xakamaynayo xanuunka COVID-19 oo haatan ku sii badanaya Somalia.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle Cali Jayte Cismaan oo arintan ka jawaabay ayaa talaabada Puntland ku tilmaamay wax laga xumaado.

Cali Jayte Cismaan ayaa sheegay in uu xidhiidh fiican ka dhexeeyo ganacsatada labada Is maamul isaga oo sidoo kale raali galin ka dalbaday madaxweynaha Puntland ee Deni.

Cali Jayte ayaa sidoo kale balan ku qaaday in uu qaadi doono talaabo ka xun mida uu madaxweynaha Puntland qaaday taas oo saamayn ku yeelan doonta Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*