Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Hoyga Duqa Magaalada Boorama, Maxay Tahay Sababtu

Duqa Magaalada Boorama ee Saleebaan Xasan Xadi ayaa xaqiijiyay in ay Dablay Hubaysan weerar ku qaaday Gurigiisa saqdii dhexe xilli uu ka maqnaa gurigiisa.

Saleebaan Xasan Xadi oo saxaafada la hadlaya ayaa sheegay in ay Dablay weerartay gurigiisa xilli uu ka maqnaa laakiin sheegay in ayna wax dhimasho ama dhaawac ah soo gaadhin.

Duqa Magaalada Boorama ee Saleebaan Xasan Xadi sheegay in uu u malaynayo in isku daygaas dilka ah salka ku hayo dhulal ay dawaladu leedahay oo ay dawladu gacanta ku hayso.

Saleebaan Xasan Xadi Ayaa sheegay in wakhtigii ay arintu dhacday in uu isagu ka maqnaa gurigiisa laakiin ay joogeen xubno ka tirsan qoyskiisa laakiin ayna wax dhibaato ah soo gaadhin.

Ma jirto ilaa haatan cid dusha saaratay Masuuliyada weerarkaas xilli ay dawladu dabal gal ku hayso dadkii ka dambeeyay falkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*