Dadka Caba Sigaarka Oo Halista Ugu Badan Ugu Jira Xanuunka COVID-19 Dalka Somalia.

Xanuunka COVID-19 Ayaa fara Ba’an ku haya adduunka isaga oo dilay dad kor u dhaafa 160,818 waxana ay wadamadu u dadaalayaan sidii ay u joojin lahaayeen faafista xanuunkan halista badan.

Dalka Somalia ayaa bishii March laga helay kiiskii ugu horeeyay iyada oo haatan laga helay ku dhawaad 135 kiis xilli ay dad kalena u geeriyoodeen xanuunka dartiisa.

Hadaba daraasad la soo saaray ayaa lagu ogaaday in Cabista sigaarka iyo cunista qaadku yihiin sababaha ugu weyn ee uu ku dilo dadka maadama uu xanuunka helool hab dhiska Neefsiga qofka.

Hadaba marka la eego in dad badan oo somalia ah caado u leeyihiin in ay cunaan qaadka sidoo kale cabaan sigaarka waxa la sheegay in ay Dadkaas halis ugu jiraan xanuunka COVID-19.

Haba Talo ahaan waxa fiican in aad iska dayso cabista Sigaarka iyo waliba cunista qaadka si aad uga badbaado xanuunka COVID-19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*