Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Sanaag & Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Fariin U Diray

Dagaal beeleed ayaa maanta ka dhacay Deegaanka Fadhi-Gaab ee ka tirsan dagmada Gar-adag ee Gobolka sanaad ayay ugu yaraan ku dhaawacmeen 3 qof sida uu xaqiijiyay maayarka dagmada Gar-Adag ee Faarax Aadan Ciise.

Maayarka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay ciidanka qaranka Somaliland soo kala dhex galeen labada beeleed dagaalkana la joojiyay xilli uu sidoo kale xaqiijiyay in ay jiraan dhaawacyo labada dhinacba ah.

Sidoo kale maayarka aya xaqiijiyay in uu dagaalka ka dhex dhacay magaalada gudeheeda Laakiin ayna wax dhimasho ah ilaa haatan dhicin dhaawacyada soo gaadhay labada dhinacna yihiin kuwo fudud.

Kadib dhacdadaas madaxweynaha Dalka Somaliland ee Muuse Bixi Cabdi ayaa fariin u diray labada beeleed ee isku dagaalay Deegaanka Fadhi-Gaab.

Muuxe Biixi ayaa sheegay in uu ka xun yahay dagaalka ka dhacay Deegaanka Fadhi-Gaab isaga oo ugu baaqay in dagaalka la joojiyo maadama ay soo socoto bishii Barakaysnayd ee Ramadaasn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*