Dawlada Somalia Oo Go’aan Ka Gaadhay Qaabka Loo Aasi Doono Dadka U Geeriyooday Xanuunka COVID-19

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ee Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Amar ka soo baxay Dawlada Fadaralka shaaciyay isaga oo sheegay in dadka Xanuunka COVID-19 u dhinta aan loo Aasi doonin sidii hore dadka Somalida ah loo Aasi jiray.

Warkan ayaa imanaya xilli kiisaska iyo waliba dhimashada dadka u dhimanaya COVID-19 Ku soo badanayaan gudaha dalka Somalia kadib markii la helay kiisasa iyo waliba dhimasho cusub.

Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in dadka u geeriyooda xanuunka COVID-19 loo Aasi doono si ka duwan sida loo Aaso dadka kale iyada oo ayna waliba dad badan ka soo qayb gali doonin Aaskooda.

Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in dadka u dhinta xanuunka COVID-19 ay dawladu si gaar ah u Aasi doonto maadama uu xanuunku yahay mid faafaya oo aanay dad badan isugu iman karin Aaska.

Xanuunka COVID-19 ayaa haatan u muuqda mid cabsi aad u weyn ku abuuray shacabka Somaliyeed kadib markii la helay kiisas dhan 135 kiis ilaa haatana 7qof u geeriyoodeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*