Dawlada Turkey-ga Oo Ka Hadashay Dadaalada Lagu Doonayo In Lagu Furo Wadahadaladii U Dhexeeyay Somaliland & Somalia

Dawlada Turkey-ga ayaa markii ugu horaysay ka hadshay dadaalada lagu doonayo in dib loogu furo wadahadaladii u dhexeeyay ee Somaliland iyo Somalia ee la joojiyay.

Safiirka  Turkey-ga u fadhiya Somalila ee Mehmet Yilmaaz ayaa si weyn u soo dhaweeyay kulankii ay dhawaan Magaalada Addis-Ababa ku yeesheen Madaxweynaha Somalia ee Madaxweynayaasha Farmaajo iyo Muuse Biixi kaas oo uu dhex-dhexaadiye ka ahaa Raysal waraasaha Itoobiya Abiy Ahmed.

Safiirka ayaa kulankaas ku tilaamay horumar muhiim ah oo laga gaadhay wadahalada Somaliland iyo Somalia midaas oo dhalinaysa isku soo dhawaansho labada dal ah gaar ahaan Madaxda.

Safiirka ayaa sidoo kale Amaanay Raaligalintii uu Farmaajo Somaliland Ka Siiyay taas oo ku aadanayd xasuuqii ay dawaladii kacaanka ahayd ka gaystay Gobolada Somaliland.

Mehmet Yilmaaz ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo cid walba oo gacan ka gaysanaysa wadahadalada Somaliland Iyo Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*