DEG-DEG: Qof Kale Oo Somaliland Ah Oo Laga Helay Xanuunka COVID-19, Imisa Ayay Tirada Guud Gaadhay?

Tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee Somaliland ayaa kor u kacday kadib markii qofkii 6-aad laga helay xanuunka  Sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee horumarinta caafimaadka Somaliland ee Dr. Maxamed Cabdi Xergeeyo

Xanuunka COVID-19 oo wacdaro ku dhigaya adduunka ayaa la sheegayaa in haatan laga helay Somaliland qof-kii 6-aad.

Agaasimaha ayaa sheegay in haatan hal qof ku biiray 6-dii kiis ee horay looga hayay loogana xaqiijiyay Somaliland kadib markii baadhitaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka.

Xergeeye ayaa sheegay shaybaadhka 10 qof oo kale loo diray dalka dibaadiisa si loo hubiyo caafimaadkiisa hadii ay qabaan xanuunka iyo hadii kale.

Ugu dambayn waxa la xaqiijiyay in uu hal qof ka soo kabsaday xanuunka 5-tii qof ee horay loo xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka Todobaadyadii hore.

Ilaa haatan ma jirto wax dhimasho ah oo Ay Somaliland xaqiijisay in ay u dhinteen xanuunka Cusub ee COVID-19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*