
Dawlada Somalia ayaa xaqiijisay 24-kii saac ee la soo dhaafay la diwaan galiyay dhimashadii ugu badnayd ee maalin kaliya lagu diwaan galiyo ee u dhinta xanuunka COVID-19.
Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa bogeeda Twitter-ka ku xaqiijisay in maanta la helay 49 kiis oo cusub sidoo kale la diwaan galiyay 6 dhimasho maanta oo kaliya.
Arintaas ayaa la macno ah in Maanta Somalia laga diwaan galiyay dhimashadii ugu badnay ee dadka u geeriyooday xanuunka Cusub ee COVID-19.
Kiisaska maanta laga helay Somalia ayaa ah 49 waxana Ragg ah 30 halka ay Dumarku yihiin 19 waxana ka soo kabsaday 2 qof xilli Dhimashada guud ee wadanka Somalia ay haatan Tahay 14.
Xanuunka COVID-19 ayaa si xoogan ugu soo badanaya xilli ay arintaas saamayn ku yeelan doonto xaalada wadanka.
Be the first to comment