Dhimashadii Ugu Horaysay Ee COVID-19 Oo Laga Diwaan Galiyay Puntland.

Gudiga mas’uulka ka ah ka hortaga faafida faafida Covid-19 ee maamul goboleedka Puntland ayaa si Rasmi ah xalay u shaaciyay in uu geeriyooday Qof qabay xanuunka Covid-19.

Warbixinta oo ay soo saareen gudidu ayaa sheegay in uu qofkaas ku jiray Karantiil kadib markii looga shakiyay xanuunka Covid-19.

Qofkaas ayaa baadhitaan lagu sameeyay waxana la ogaaday in uu qabay xanuunka Covid-19 kaas oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee laga helay xanuunka.

Gudida ayaa intaas raacisay in ay 9 qof oo kale ku hayaan Karantiil kuwaas oo looga shakisanyahay xanuunka Covid-19.

Gudida ayaa xaqiijisay in ay baadhitaan ku wado 9-kaas qof si loo ogaado in ay qabaan xanuunka dilaaga ah ee faraha kulul ka haya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*