Farmaajo Oo Xil Ka Qaadistii Ugu Weynayd Samaynaya, Ayay Seeftiisu La Tagaysaa.

Madaxweynaha Dawlada Fadaralka Somalia Ee Mohamed Abdulahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu qorshaynayo in uu sameeyo xil ka qaadistii ugu weyn sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhaw dawlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu xilka ka qaado taliska guud ee ciidamada qalabka sida sida ay sheegayaan wararku.

ilo wareedyo ayaa Allsomali News ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Farmaajo doonayo in uu xilka ka qaado taliyaha ciidanka Somalia ee Cabdi Xasan xijaar iyada oo haatanba badalkiisa la diyaariyay shaqsiyaad kale.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somalia xilka ka qaadayaa Taliyaaha ciidanka Xooga dalka Somalia ee General Odawaa Yuru Raage iyada oo wararku sheegayaan in uu madaxweynuhu booskaas galin doono shaqsi isaga ka ag dhaw.

Taliyaha Haatan xilka Haya ee Cabdi Xasan xijaar ayaa loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya dalka Sucuudiga waxana haatan la sugayaa in uu Sucuudigu soo Aqbalo Safiirnimadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*