Kenya Oo Qirtay in Somalia Ku Guulaysanayso Dacwada Badda

Mid ka mid ah Qareenada ay Dawlada Kenya U Soo xulatay in ay u difaacaan sheegashada ay sheeganayaan badda Somalia ayaa qirtay in ay Somalia ku dhawdahay in ay ku guulaysato dooda kadib waraysi uu siiyay warbaahinta Kenya.

Qareenka ayaa sheegay in ay Kenya Guuldaro kala kulmi doonto Loolanka hadii ayna waxba ka badalin qaabka diciifnimada leh ee ay ugu jirto dacwada badda ee ka dhexaysa Somalia & Kenya.

Qareenka ayaa sheegay in ay dacwadu u janjeedho dhanka Somalia hadii ay dawlada Kenya sidan haatan ku sii socoto waxna ka badali waydo qaabka ay wax u wado.

Isla qareenka ayaa sheegay in laga guulaysan doono dalkiisa isla markaasna doonayn in uu goob-joog ka noqdo dhirbaaxo guuldaro ah oo uu dalkiisu kala kulmo Somalia.

Qareenada ayaa Dalka Kenya ka dalbaday in ay Dar-Dar galiyaan dacwada Badda oo u muuqda mid ay haatan dawlada Kenya ka seexatay.

Dawladaha Somalia & Kenya Ayaa Muddo Haatan ah dacwad uga furnayd maxkamada International Court of Justice kaas oo ku aadan dooda ka taagan Badda Somalia Oo Ay Kenay Sheeganayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*