Khabiiro Caafimaad Oo Ka Socda Haayada Caafimaadka Adduunka Oo Soo Gaadhay Somaliland & U Jeedada Socdaalkooda.

Haayada Caafimaadka Adduunka ee “WHO” ayaa Khabiiro Caafimaad u soo diray Somaliland kuwaas oo tababar siin doona shaqaalaha caafimaadka ee ka hor taga Xanuunka COVID-19.

Somaliland ayaa ka mid ah dalalka uu haatan soo gaadhay xanuunka COVID-19 Iyada oo ilaa haatan laga helay 6 kiis halka uu hal qof ka soo kabsaday xanuunka.

Dalka Somaliland ayaa dhawaan heshay qalabka caafimaadka ee lagu baadho xanuunka Waxana haatan gaadhay khabiiro ku takhasusay qalbka lagu baadho xanuunka COVID-19.

Agaasimaha Guud ee wasaarada horuminta caafimaadka DR.Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa sheegay in Haayada WHO ay keentay Khabiiro tababarsiiya shaqaalaha Caafimaadka Somaliland si ay uga hor tagaan xanuunka COVID-19.

DR.Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa sheegay in ay khabiiradu dalka Joogi doonaan Muddo bilood ah si ay tababar u siiyaan dhakhaatiirta Somaliland ee la tacaalaya xanuunka COVID-19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*