Khilaaf Kulul Oo Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha Hishabelle Ee Maxamed Cabdi Waare & Sheek Cusbaan Barre Maxamed.

Waxa sii xoogaysanaya khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha dawlad goboleedka HirShabelle ee Maxamed Cabdi Waare Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle Sheek Cusbaan Barre Maxamed.

Khilaafka ka dhexeeya Madaxweynaha HirShabelle Iyo Gudoomiyaha Golaha ayaan la ogayn waxa uu Asal ahaan salka ku hayo Waxa uu si weyn u soo shaac baxay kadib Gudoomiyaha Golaha ee Sheek Cusbaan Barre Maxamed uu dhawaan warbaahinta u sheegay in ayna jirin masuuliyiinta Hirshabelle kuwo xil iska saaraya Sidii bulshada looga wwacyi galin lahaa xanuunka COVID-19.

Waxa intaas kadib gudoomiyaha wax laga waydiiyay xaalda Madaxweyne Waare oo la sheegay in uu la kulmay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada HirShabelle ahna Wasiiru dowlaha wasaarada cadaalada ee Xildhibaan Qaliif Muumin kaas oo uu Jowhar ku haleelay xanuunka COVID-19 Ugu dambayna muqdisho ugu geeriyooday.

Cusbaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uu kaliya maqlay in uu Madaxweyne Waare xanuunsanyahay in muddo ahna uuna dibada u soo bixin oo ayna jirin wax kulamo ah oo ay wada yeesheen waare ama madaxda ugu saraysa maamulka Hirshabelle.

Intaas kadib Madaxweynaha dawlad goboleedka HirShabelle ee Maxamed Cabdi Waare ayaa Iclaamiyay kulan uu warbaahinta uga waramayay in uuna isagu qabin xanuunka COVID-19 Laakiin sababta ay u joogsadeen kulamadii uu la qaadan jiray madaxdiisu tahay Karantiis uu ku hibinayay xaaladiisa caafimaad maadama uu isagu la kulmay Xildhibaankii geeriyooday.

Waxa sidoo kale soo baxday in Gudoomiyaha Baarlamanka Dawlad Goboleedka Hirshabelle Sheek Cusbaan Barre Maxamed uu safar ugu wajahnaa magaalada Muqdisho laakiin la hakiyay dhamaan diyaaradihii soo caga dhigan jiray deegaanada Dawlad Goboleedka Hirshabelle.

Waxana warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha HirShabelle ee Maxamed Cabdi Waare lagu joojiyay duulimaadyada deegaanada HirShabelle Arintaas ayaa keentay in uu cirka isku sii shareero khilaafka u dhexeeya madaxda ugu saraysa maamulka HirShabelle.

Markan ayaan ahayn markii ugu horaysay ee uu khilaaf soo kala dhex galo madaxda HirShabelle waxana mar sii horaysay lagu heshiisiiyay magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*