Kiisaska COVID-19 Ee Dalka Djibouti Oo Sii Badanaya

Dalka Djibouti ayuu si weyn ugu sii badanayaa xanuunka COVID-19 kadib markii shalay laga helay kiisaskii maalin kaliya ugu badnaa dalkaas.

Xanuunka COVID-19 oo si baas ugu faafaya adduunka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay soo galay geeska Africa isaga oo haatan fara ba’an ku haya dalalkaas.

Wasaarada Caafimaadka Djibouti ayaa xaqiijisay in ay shalay diwaan galisay 99 kiis oo cusub oo COVID-19 ah kadib markii baadhitaan lagu sameeyay dad tiradoodu gaadhayso 8,955 qof.

Tirada guud ee haatan kiisaska COVID-19 ee laga helay dalkaas ayaa haatan kor ugu kacay 945 qof iyada oo ay ka soo kabsadeen 112 qof halka ay u dhinteen kaliya 2 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*