Kiisaska & Dhimashada COVID-19 Oo Ku Sii Badanaya Somalia, Imisa Kiis Oo Cusub Ayaa La Helay?

Xanuunka COVID-19 Ayaa ku soo badanaya wadanka Somalia kadib markii shalay la xaqiijiyay in la helay 73 kiis oo cusub xilli ay Somalia galayso wadamada uu ku soo badanayo xanuunka cusub.

Wasaarada caafimaadka Somalia ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in shalay la helay 73 kiis oo cusub kadib markii baadhitaano lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka COVID-19.

Waxa intaas sii dheer in ay Somalia xaqiijisay dhimasho kale kadib markii ay xanuunka qaadeen iyada oo haatan dhimashada Somalia kor ugu kacday 8 qof.

Laakiin Waxa La xaqiijiyay in ay 2 qof ka soo kabsaseen xanuunka COVID-19 Taas oo dadka ka soo kabsaday xanuunka kor ugu qaaday 4 qof ilaa haatan.

Somalia ayaa haatan gacanta ku haysa 225 kiis oo xanuunka COVID-19 Ah iyada oo 2 ka mid ah haatan ku jiraan xaalad adag 223 qof-na ku jiraan xaalad dag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*