Kiisaska & Dhimashada Xanuunka Covid-19 Ee Somalia Oo Sii Badanaysa

Dawlada Federalka Somalia ayaa si Rasmi au xaqiijisay in ay laba qof oo cusub u geeriyoodeen xanuunka Covid-19 sida ay xaqiijisay wasaarada Caafimaadka Somalia.

Dadka u dhimanaya & Dadka uu Xanuunku Soo Ridanayo xanuunka Covid-19 ee dalka Somalia ayaa soo badanaya xilli ay Dawladu la tacaalayso yaraynta faafista xanuunka.

Tirada guud ee Haatan u geeriyooday Xanuunka Covid-19 ee Somalia gudeheeda ayaa kor ugu kacday 18 qof halka sidoo kale la helay kiisas kale oo cusub.

Kiisaska cusub ee haatan laga helay Somalia ayaa ah 42 qof iyada oo tirada guud ee Kiisaska Xanuunka Covid-19 ee Somalia yahay 328 qof.

Isla wasaarada caafimaadka Somalia ayaa xaqiijisay in ay 8 qof si Rasmi ah uga soo bogsadeen xanuunka Covid-19 kadib markii laga helay xanuunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*