Laba Dal Oo Aan Haysa Aqoonsi Caalmi Ah Oo Lagu Aamaanay Qaabka Ay U Xakamaynayaan Xanunka COVID-19, Somaliland Ayaa Ka Mid Ah.

Dawladaha Somaliland iyo Taiwan ayaa lagu Amaanay sida ay u xakamaynayaan xanuunka COVID-19 ee adduunka faraxa Ba’an ku haya tan ilaa bilowgii sanadkan 2020.

Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo xigatay warbixinta uu Michael Rubin ku daabacay Wargyasyada Maraykanka.

Michael Rubin ayaa sheegay in daljiraha Maraykanka u fadhiya Somalia ee Donald Yamamoto in uu kaalmooyinkii dalka u leexiyay muqdisho waliba arintaas ku sheegay arin khalad ah.

Michael Rubin ayaa sheegay in ay Somaliland Diyaarisay lacag dhan 15 milyan oo doolar si ay uga hawl galaan ka hor taga xanuunka COVID-19.

Dhanka kale dalka Taiwan ayaa dhankooda ku dadaalaya sidii ay u xakamayn lahaayeen xanuunka Cusub ee COVID-19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*