Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo Oo Furay Barnaamij Lagu Caawinayo Qoysaska Dan Yarta Ah.

Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaralka Somalia ayaa daah-furay Barnaamij cusub oo lagu taakulaynayo dadka dan-yarta ah ee ku nool dalka xilli lagu jiro wakhti adag.

Barnaamijka oo loogu magac daray “Baxnaano” ayaa haatanba lagu caawiyay dad dhan 1.3 milyan oo ka mid ah shacabka Somaliyeed ee dan yarta ah.

Madaxweynaha ayaa xukuumada ku bogaadiyay dadaalka ay u qabteen Hir-galinta barnaamijkan isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi” Waxa aan u mahad celinayaa wasaarada shaqada iyo shaqaalaha oo ka soo shaqeeyay barnaamijkan maanta la bilaabay”.

Madaxweynaha Somalia ayaa barnaamijkan furay xilli ay fooda inagu soo hayso bisha Barakaysan ee Ramadaan taas oo war fiican u ah umada somaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*