Maxaa Ka Jira In Muddo Kordhin Loo Samayn Doono Madaxda Dawlada Fadaralka Somalia

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Muddo kordhin loo samayn doono Madaxda Dawlada Fadaralka Somalia.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay walaaca laga qabo dib u dhigista furitaanka kal-fadhiga Baarlamaanka Somalia in uu keeni karo dib u dhac ku yimaada Doorashada Somalia.

Saamaynta ka dhalatay xanuunka Covid-19 ayaa keentay in la hakiyo Hawshii baarlamaanka Taas oo udub dhexaad u ahayd doorashooyinka Somalia ee sanadka 2021.

Hasa yeesheeh Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ee Maxamed Murasal Sh.Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xal loo heli doono sidii ay u dhici lahayd doorashadu wakhtigeedii.

Gudoomiye Maxamed Murasal Sh.Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay haatanba magacaabeen Gudi ka shaqayn doonta qodobada ka dhiman sharciga doorashooyinka waliba ay gudida oo ah kuwo madax banaan ay wataan shaqadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*