Puntland Oo Laga Helay Kiiskii Ugu Horeeyay Ee Coronavirus

Dawlad Goboleedka Puntland ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in dalka Laga helay kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka COVID-19 Sida ay xaqiijisay wasaarada caafimaadka Puntland.

Guddida ka hor taga iyo wacyi galinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa sheegay in markii ugu horaysay xanuunka COVID-19 laha helay deegaanadooda.

Wararka ayaa sheegaya in ay baqdin xoogan soo wajahday dalka Puntland kuwaas oo aan ilaa haatan garanayn meesha uu ka soo galay ama ka yimid xanuunku marka loo eego in bandoo lagu soo rogay dalka maalmo ka hor.

Guddida ayaa sheegay in baadhitaan lagu sameeyay bukaanka isla markaasna la xaqiijiyay in uu qabo xanuunka COVID-19 ee sida xoogan ugu faafaya adduunka oo dhan.

Waxa intaas sii dheer in ay Guddidu xaqiijisay in haatan Karantiil La Galiyay 5 qof oo kale oo looga shakiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 si joogto ahna loola socon doono xaaladooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*