Qofkii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Oo COVID-19 Ugu Geeriyooday Dalka Koonfur Africa.

Dalka Koonfur Africa Ayuu ku dhintay qofkii ugu horeeyay oo Somali Ah Kadib markii uu qaaday Xanuunka COVID-19 sida Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Koonfur Africa ee Qaliif xuseen

Magaca Qofka Somaliga ah ee u geeriyooday xanuunka COVID-19 ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Cali Khayre kaas oo ku magac dheeraa Cali Xaashi kaas oo si aad ah looga yaqaanay gudaha dalkaasi.

Muwaadinka Somaliyeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay la xanuunsanaa xanuunka COVID-19 Isaga oo la dhigay Cusbitaal ku yaala magaalada cape town ee Koonfur Africa.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Koonfur Africa ee Qaliif xuseen oo ka mid ahaa dadka saaka tagay cusbitaalka ayaa sheegay in ay ka war hayeen xaalada Muwaadinka Somaliyeed intii uu xanuunsanaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*