Somalia & Kenya Oo Uu Dagaal Ku Dhex Maray Deegaanka Balad Xaawo

Dagaal Fudud ayaa lagu soo waramayaa in uu Degaanka Balad-xaawo ku dhex maray Ciidamada Dawlada Somalia Iyo Kuwa Kenya Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Halkaas.

Dagaalkaas ayaa la sheegayaa in uu ka bilowday weerar ay Ciidanka Kenya ku soo qaadeen Kuwa Dawlada Federalka Somalia iyada oo Is Rasaasayntu saacado ka hor ka dhacday Degmada Balad Xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in uuna dagaalkan ahayn mid ula kac ah laakiin ahaa mid shil ah mana jiro wax dhaawacyo iyo dhimasho ah oo soo gaadhay labada dhinac.

Kadib markii uu dagaalku joogsaday waxa Deegaanka Badal Xaawo yimid saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawlada Kenya iyaga oo la kulmay gudoomiyaha Gobolka Gedo ee dawlada ku magacaaban Cismaan Xaaji Macalimuu iyo Taliyaha Ciidamada Xasilinta ee gedo.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa Raali Galin ka bixiyay dadaalka ay bilaabeen ciidankoodu ee ka dhacay degmada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo.

Dad ku nool Degamada Beled xaawo ayaa sheegay in ay maqlayeen Rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayaan shalay galinkii Dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*