Somalia Oo Xaqiijisay Kiisas Cusub Oo COVID-19 Ah Xilli Uu Xanuunku Ku Soo Badanayo Dalka Maalmihii Ugu Dambeeyay.

Xanuunka COVI-19 ayaa si xoogan ugu soo badanaya dalka Somalia maalmihii ugu dambeeyay iyada oo ay dawladu haatan xaqiijisay in ay heshay kiisas cusub oo xanuunka ah.

Xanuunka Dilaaga ah ee COVID-19 ayaa fara baas ku haya adduunka waxana uu haatan si xawaare ah ugu soo bandanayaa Dalka Somalia gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in la helay kiisas cusub oo dhan 29 qof 24 saac ee la soo dhaafay taas oo haatan kiisaska la helay kor ugu qaadaysa 164 kiis.

Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa xalay soo saartay war Rasmi ah oo ku xaqiijisay in 29 qof laga helay xanuunka COVID-19 Iyada oo 21 ka mid ah dadkaas ay Ragg yihiin halka 8-da kale dumar yihiin.

Sidoo kale dawlada Fadarka ah ee Somalia ayaa Hir Galisay Xarun dhexe oo laga Hagayo dadka uu xanuunku Soo rito lagana siinayo talooyin iyo tusaalooyin ku saabsan sidii ay ula tacaali lahaayeen xanuunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*