Somaliland Oo Ka Digtay Barnaamijka Baxnaano Ee Soomaaliya.

Qoraal Ka Soo Baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa sheegtay in Barnaamijka Baxnaano ee ay Bilowday dawlada Somalia uu khatar ku yahay Amaanka Somaliland.

Dawlada Jamuuriyada Somaliland ayaa Qaramada Midoobay, Midawga Africa, Midowga Yurub, Baanka Adduunka ku war galisay in barnaamijka Baxnaano ee ay samaysay Dawlada Somalia waliba ay doonayaan in ay ka fulin doonaan deegamo ka mid ah Somaliland uu yahay fara galin qaawan oo waxyeelo ku ah Amaanka Jamuuriyada Somaliland isla markaasna yahay barnaamij lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.

Somalinad ayaa Somaliya uga digtay isku dayga taagta daran ee uu doonayo in uu ku fara galiyo qaranimada Somaliland Iyo Madaxbanaanida Somaliland waxana ay u sheegaysaa in ay Dawlada Somalia ka waantawdo waxa ay samaynayso sheegashada xuduudaha Jamuuriyada Somaliland.

Somaliland ayaa si gaar ah baanka adduunka uga codsanaysa in ay ka fiirsadaan deeqaha lasiiyo maaulka Somalia kaas oo caadaystay in uu deeqaha u adeegsado ujeedooyin gaar ah.

Halkan Ka Akhriso Qoraalka Rasmiga Ah Ee Ka Soo Baxay Wasaaraha Arimaha Dibada Somaliland.

Image may contain: text

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*