Somaliland Oo Ka Warbixisay Xanuunka Covid-19, Maxaa Cusub?

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Somaliland iyo xanuunka Covid-19.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa sheegay in aanay wax kiisas ah oo cusub aan laga helin Somaliland ilaa haatana inta laga helay xanuunka ee ay Wasaaradu xaqiijisay tahay kaliya 6 qof oo uu mid ka soo kabsaday.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in 5-ta qof ee la nool xanuunka ay haatan xaaladooda caafimaad dagantahay.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in afar iyo labaatankii saac ee u danbeyey xudduuda dalka laga hubiyay dad gaadhaya 1,217 qof kuwaas oo aan lagu arag wax xumad ah iyo calaamadaha xannuunka.

waxa uu Dr Xergeeye inta ku daray in la karantiimay 11 qof oo laga shakisan yahay islamarkaana aanay weli soo bixin jawaabta shaybaadhadii debadda loo diray.

Waxa xusid Mudan In Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi Xaqiijiyay in ay dawladu bilowday Sanduuq lagu uruurinayo lacag loogu talagalay la dagaalanka xanuunka iyada oo dawladu ku shubtay lacag dhan 3 milayn oo dollar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*