Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Dhaqaalaha Dalka Kadib Markii Uu Wadanka Soo Galay COVID-19

Qaar ka mid ah Wasiirada dalka Somaliland kana mid ah Gudida ka hor taga xanuunka COVID-19 ayaa walaac ka muujiyay dhaqaalaha dalka kadib markii uu xanuunka laga helay dalka.

Gudida ka hor taga xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in uu dhaqaalaha dalku hoos u sii dhacayo iyaga oo dhanka kale fariin u diray gacasatada dalka una sheegay in uu dhaqalaha somaliland hoos u sii dhacayo.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi galinta ee Saleebaan Cali Koore iyo waliba Wasiirka wasaarada Somaliland ee Sacad Cali Shire ayaa sheegay xaalada dhaqaale ee uu dalku ku jiro.

Labada Wasiir oo maanta shir la qaatay ganacsatada dalka ayaa u sheegay in ay ilaaliyaan dadka dan yarta ah iyo waliba gacasatada yar-yar loona baahanyahay in laga cafiyo dayamaha lagu leeyahay.

Waxa intaas sii dheer in ay wasiiradu u sheegeen ganacsatada noocyadeeda kala duwan in ay hoos u dhigaan qiimaha waxa ay iibinayaan si ay u caawiyaan dadka dan yarta ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*