Taliyaha Boliska Gobalka Sanaag Oo Digniin Adag U Diray Beelihii Isku Dagaalay Degaanka Fadhi-Gaab

Taliyaha ciidanka Boliska Gobalka Sanaag Gaashaanle Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle Dhaga-cade ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee deegaanka Fadhi gaadh oo uu maalmihii ugu dambeeyay dagaal ku dhex maray laba beelood oo halkaas wada daga.

Saleebaan Ducaale Ubaxle Dhaga-cade ayaa sheegay in ay xaalada Deegaanka Fadhigaab haatan dagantahay kadib markii ay labada Beelood isku dagaaleen maalmihii la soo dhaafay.

Taliyaha ayaa digniin u diray beelaha isku dagaalay Deegaanka Fadhi-Gaab isaga oo sheegay in cid walba oo Amni daro ka samaysa deegaanka la kulmi doonto talaabo ciidan oo adag.

Taliye Saleebaan Ducaale ayaa sheegay in ay ciidanka Somaliland dib u soo celiyeen Amaanka Deegaanka haatana xaaladu tahay mid caadi ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku soo qaban doonaan cidii ka dambaysay in ay dib u hurso dagaalka labada beelood ku dhex maray deegaanka Fadhigaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in la qaban doono cid walba oo la arko iyaga oo sita hub sharci daro ah lana soo hor taagi doono sharciga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*