U Gaar Ah Ragga: Faa’iidooyinka Guurka Wakhtiga Hore Ee Ragga.

Guurka wakhtiga hore ayaa ah mid ah dad badan Doorbidaan iyada oo qoysas badan faa’iido weyn ku arkaan guurka wakhtiga hore hadaba waa maxay Faa’iidooyinka Ragga ee guurka wakhtiga hore.

Halkan Hoose Kaga Bogo Faa’iidooyinka Guurka Wakhtiga Hore Ee Ragga:

1.Daganaansho:

Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee Guurka Wakhtiga hore ee Ragga ayaa ah in uu helayo daganaansho iyo waliba in ay ka caawiso in uu diirada saaro rabitaankiisa horayna ugu socdo gaadhisto guulo nolosha ah.

2.Xoojinta Awooda Masuuliyada:

Faa’iidooyinka guurka wakhtiga hore ee Ragga ayay sidoo kale ka mid tahay in uu Ninku qaado masuuliyad iyo waliba in uu xoojiyo ka soo bixista masuuliyada iyo ka soo bixista masuuliyada qoyskiisa.

3.Ku Dhiiri Galinta In Uu Shaqeeyo:

Guurka wakhtiga hore ah ayaa Ragga ku dhiiri galiya in uu shaqeeyo waliba muujiyo muhiimadiisa waana faa’iido muhiim ah oo ay tahay in ay Raggu wakhti hore u guursadaan.

4.Xoojinta Xidhiidhka Caruurtiisa:

Sida ay muujisay daraasad, Ragaa wakhti hore oo da’dooda ah guursada ayaa xidhiidh adag la yeesha caruurtooda sidoo kale waxa ay si fudud saaxiibtinimo ula yeelan karaan curuurtoofs.

Ogow Akhriste waxa aan maalin walba oo Salaasa Ah & Maalin walb oo jimce ah idiin soo gudbin doonaa arimaha bulshada sida talooyin, muhiim ah oo ku saabsan qoysaska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*