Wafti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Gaadhay Degmada Ceel-Afweyn

Wafdi Ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxaa iyaguna ku wehelinaayey Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed iyo Wasiirada Wasaaraddaha Xidhiidhka Goleyaasha , Qorshaynta Qaranka, Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga,Gaashaandhiga & Cadaaladda ayaa gaadhay Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Ujeedka Wefdigan ayaa ahaa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab, waxaana ay waftigani la kulmi doonaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka si loo dhamaystiro nabada degaankaasi.

Ciidamada kala duwan ee Qaranka ayaa amar ku qaba inay qabtaan isla-markaana sharciga horkeenaan cidkasta oo lagu arko iyadoo hub sidata deegaankaasi.

Deegaanka Fadhigaab ayuu dagaal ku dhexmaray beelaha wada daga halkaas maalmo ka hor waxana ay waftigu doonayaan daginta xaaladaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*