Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Kulmye Ku Eedeeyay In Ayna Ka Qayb Qaadan Tartanka Geeska Africa

Dalka Sucuudiga ayaa muddo Kooban Furay dhoofinta Xoolaha Somalida gaar ahaan kuwa dalka Somaliland.

Axmed Cabdilaahi Cige oo ah Xoghayaha xanaanada Xoolaha Xisbiga Waddani ayaa xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada xanaanada xoolaha ku eedeeyay in ayna ka qayb qaadan tartanka dhoofinta xoolaha ee geeska Africa.

Axmed Cabdilaahi Cige ayaa sheegay in ayna dawlada Somaliland door lixaad leh ka qaadan tartanka ay carabtu ugu jirto xoolaha somlida.

Xoghayaha xanaanada Xoolaha Xisbiga Waddani ayaa Dawlada gaar ahaan Wasaarada Xanaanada Xoolaha u soo jeediyay in ay dadaasho lana tartanto wadamada jaarka marka laga hadlayo dhoofinta xoolaha Nool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*