10 Qof Oo Uu Dad Ku Qaaday Beledweyne

Ugu Yaraan 4 Qof ayaa raacatay Buundada Loo yaqaano koobaad ee isku xidha deegaanka ceel-jaale iyo Gudaha Magaalada kadib markii ay dadkas raaceen ama ay qaateen biyo daad ah.

Wararka ayaa sheegaya in 3 ka mid ah dadkaas ay soo badbaadeen halka mid kale ilaa haatan nolol iyo geeriba lagu laayahay halka isla buundadaas la sheegayo in ay biyo ka qaadeen Gaadhi dambeer iyada oo Ninkii watay gaadhi dambeerka soo badbaadiyeen dad ka Ag dhawaa markii ay biyo qaadeen.

Dhanka kale waxa la sheegayaa in uu kaliga waraabaale biyo ka qaadeen qof kale kaas oo ilaa haatan nolol iyo geeriba lagu laayahay.

Waxa saacadihii la soo dhaafay dadka ay biyaha wabiga shabeele ay la tageen gaadhayaan 10 qof iyada oo 8 ka mid ah 10-kaas qof la soo badbaadiyay laba qof-na ilaa haatan la laayahay nolol iyo geeriba sida ay sheegayaan dad goob-joogayaal ah.

Saacadihii ugu dambeeyay waxa soo xoogaysanaya biyaha wabiga taas oo keentay in ay sii xumaato xalaada Beledweyne

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*