4 Talo Oo Aad Ku Cusboonaysiin Kartaan Jacalkiina Bisha Ramadaan.

Waxa fiican in dadka is qaba ay bisha Barakaysan ee Ramadaan uga faa’iidaystaan isku soo dhawaansho dhexdooda ah iyo waliba dib u cusboonaysiinta jacaylkooda.

Jacaylka guurka ayaa ka xoogan kana qoto dheer jacaylka guulka ka hor sababta oo ah waa mid la wada noolyahay sidoo kale labada qof wadaagayaan nolosha

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa 4 talo oo lamaanaha is qaba ka caawinaya in ay jacaylkooda dib u cusboonaysiiyaan bisha Ramadaan.

1.Xoojinta Wada-Xidhiidhka:

Ramadaan ayaa ah fursad fiican oo ay labada qof ee is qaba ku xoojin karaan xidhiidhkooda, sababta oo ah waa wakhti dagan taas oo keenta in uu Gurigu noqdo mid qabow waxana jirta fursad weyn oo ay labada qof ku xoojin karaan xidhiidhkooda.

2.Is Caawin:

Is caawinta labada qof ee is qaba iyo waliba in ay wax walba isla garab galaan ayaa door weyn ka ciyaarta dib u cusboonaysiinta jacaylka Ramadaan sababta oo ah is caawinta ayaa ah talaabo daryeel leh marka uu Ninku gacalisadiisa isku dayo in uu kala qayb qaato hawlaha guriga marka uuna shaqo haysan waxa ay dareemaysaa gabadhu farxad iyo waliba jacayl.

3.Ixtiraam & Is Qadarin:

Isla dhaqanka fiican ee labada qof iyo waliba Ixtiraam-ka ayisku muujiyaan ayaa door weyn ka qaadanaysa dib u cusboonaysiinta jacaylka sababta oo ah Ixtiraam-ka iyo qadarinto waxa ay xoojiyaan xidhiidha labada qof ee is qaba iyo waliba jacaylkooda.

4.Jacaylka & Daryeelka:

Talada kale ee ay labada qof ee is qaba xidhiidhkooda jacayl ugu cusboonaysiin karaan ayaa ah in ay labada qof ee is qaba isku muujiyaan jacayl & waliba daryeel in uu midba midka kale u muujiyo jacayl iyo daryeel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*