4 Talo Oo Kaa Caawinaysa In Ay Ka Fogaato Dhibaatooyinka Sanadka Ugu Horeeya Ee Guurkaaga.

Sanadka ugu horeeya ee guurka ayaa ah midka ugu muhiimsan Nolosha Lamaanaha Is Qaba sabab la xidhiidha in ay wali is baranayaan waliba si joogto ah oo xaqiiqo ah.

Xaalka ayaa ka duwan kadib guurka marka loo bar-bar dhigo wakhtiga meherka ama wakhtiga Haasaawaha Iyada oo ay soo baxayso dabeecado badan iyo waliba khilaaf badan marka ay labada qof Hal guri isugu tagaan.

Labada qof ayaa kala barta dabeecado kala duwan oo ayna isku arkin ama isku aqoon intii ayna is guursan sidaas darteed waxa labada qof ee is qaba waajib ku ah in ay muhiimad siiyaan sanadka ugu horeeya ee guurkooda wakhtigaas oo ah mid xasaasi ah.

Talooyinka Lamaanaha ka caawin kara ka fogaanshaha Dhibaatada iyo khilaafka sanadka ugu horeeya ee guurkooda:-

Sanadka ugu horeeya ee guurka ayay dhibaatooyinka ku keentaa lamaanaha is faham la’aan ama In ayna qadarin masuuliyada ay kala leeyihiin arintaas oo ay sabab u tahay in wiilka iyo gabadha dhalin yarta ah in ay ku mashquulsanyihiin xaflado iyo waxyaabo la mid ah oo ay doonayaan in ay si fiican u nidaamiyaan xafladaas taas oo keenaysa in ayna qorshayn mustaqbalkooda taas ayaana ah bilow Khaldan waxana dhacaysa khilaaf kadib marka uu bilowdo noloshadu guurku sababta oo ah waxa ay ku mashquulsanaayeen waxyaabo kale halkii ay Nidaamin lahayeen guurkooda.

Hadaba waxa aad kaga fogaan kartaa dhibaatada khilaafka guurka ee sanadka ugu horeeya 4-ta talo ee soo socota:

1.In Ay Wiilka Iyo Gabadha Is Guursaday Ogaadaan Khilaafka Ka Dhexeeya:

Si Aad Guul Uga Gaadhaan sanadka ugu horeeya ee guurka waxa fiican in ay wiilka iyo gabadhu isku dhawaadaan waliba si ka fiican ka hor guurka si ay u ogaadaan khilaafka ka dhexeeya si ay u ogaadaan labada qof midba waxa uu jecelyahay iyo waxa uu Necebyahay, waxa ka xanaajiya mid walba si ay Aas-Aas ugu noqoto fududaynta in ay isla dhaqmaan.

2.Ogaanshaha Hal U Jeedo Oo Idinka Dhexaysa:

Waxa fiican in ay labada qof helaan ama dagsadaan hal u jeedo oo ay isaga mid yihiin waliba wada doonayaan si ay u gaadhaan si ay arintaas sanadka ugu horeeya ee guurkooda uga caawiso in uuna dhicin wax khilaaf ah.

3.In Ay Ogodaan heerka Xidhiidhka Ee U Dhexeeya Iyaga & Qoyska.

Labada Qof ee is qaba waa in ay ogaadaan heerka xidhiidhka iyaga iyo labad qoys ee ay ka soo jeedaan iyo waliba in ay ka war qabaan xirfada hadalkooda, si ay u aqbalaan dadka kale, muhiimada Dhagaysiga iyo waliba in ay ogaadaan muhiimada ah in uuna jirin guur bilaa dhibaato ah iyo in ay ogaadaan muhiimada kala duwanaanta iyo dhibataada sabab la xidhiidha in ay iyagu yihiin kuwa isku keenay maadama ay arimo kala duwan kala rumaysanyihiin sidaas darteed waa in ay si fiican u maamulaan dhibaatada si uuna u jirin wax farqi ah oo ka dhexeeya labadooda.

4.In Ay Isla Meel Dhigaan Dhaqmida dhanka maalka:

Waxa muhiim ah in ay labada qof ee is qaba isla meel dhigaan dhanka dhaqaalaha ama maalka marka ugu horaysa si ay wax walba ugu kala cadaadaan sidaas darteed waa in ay isla meel dhigaan filanshohooda dhanka dhaqaalaha si ayna arintaas wax dhibaato ah ugu keenin dhanka dhaqaalaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*