5 Wado Oo Aad Ku Xoojin Kartaan Xidhiidhkiina Guur Bisha Ramadaan.

Sidee Ayaad U Xoojin doontaa xidhiidhkaaga guur inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan waa Su’aal ka guuxaysa lamaane badan oo is qaba iyada oo ay ugu horayso arimaha la xidhiidha xidhiidhkooda guurka.

Hadaba waxa aan halkan kuugu soo bandhigaynaa 5 wado oo aad ku xoojin kartaan xidhiidhkiina guurka inta lagu jiro bisha Ramadaan.

1.Qadarinta Dadaalka Midka Kale.

in labada qof ee is qaba midba midka kale dadaalkiisa qadariyo waa arin door muhiim ah ka qaadata in uu xooganaado xidhiidhka labada qof ee is qaba bisha Ramadaan, gaar ahaan In uu Ninku so weyn u qadariyo dadaalka xaaskiisa iyo shaqada ay guriga ka hayso iyada oo sooman si ay isaga ugu diyaariso Afurkiisa iyo wax walba oo uu u baahan karo marka uu afka furto, sidoo kale waxa fiican in ay Gabadhu qadariso dadaalka fiican ee uu Gacaliyeheedu u galayo sidii uu ugu keeni lahaa wax walba oo ay uga baahantahay guriga si ay u wadato shaqadeeda.

2.Is Cafinta Buuxda:

Is Cafinta labada qof ee is qaba ayaa ah mid si weyn uga qayb qaadata xoojinta xidhiidhka lamaanaha bisha Ramadaan sidaas darteed isku daya in uu midba mid kale iska cafiyo waliba iska indha tiro khaldaadka ka dhici kara midka kale bisha Ramadaan.

3.Muujinta Kalgacalka:

Talooyinka lagu xoojin karo xidhiidhka jacayl ee labada qof ee is qaba bisha Ramadaan ayay sidoo kale ka mid tahay muujinta kalgacalka ka dhexeeya labda qof iyada oo muujinta kalgacalka ee labada qof ay la dagaalanto dhicitaanka khilaaf ka dhex-dhici kara.

2.Muujinta Daryeel:

Waxa muhiim ah in labada qof ee is qaba midba midka kale u muujiyo daryeel fiican sida in uu Ninku isku dayo in uu kala shaqeeyo guriga marka uu fursad helo si uu uga fududeeyo gabadha shaqada guriga maadama ay Soomantahay halka ay gabadhu gacaliyeheeda uga mahad celiso talaabad uu qaaday ee uu isugu dayayo in uu ku caawiyo.

5.In Ay Wada Cibaadaystaan:

Waxa muhiim ah in ay labada qof ee is qaba hal meel ku wada cibaadaystaan iyo waliba in ay u tartamaan sidii ay illahay u weyneyn lahaayeen maadama ay taasi ka qayb qaadanayso xoojinta xidhiidhka labada qof iyo waliba jacaylkooda oo xoogaysta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*