Al-Shabaab Oo Ciidanka Kenya Kala Wareegtay Laba Saldhig Boolis Oo Ku Yaala Gobolka Wajeer

Dagaalyahano aad u hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarey Saldhigga Booliska ee Gobolka Wajeer ee Kenya wakhti hore oo sabtidii ah sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta maxaliga ah.

Weerarkii Subaxnimadii waxa ay Al shabaab bilowday in ay Hubab culus ku rido labada saldhig Boolis ee Khorof Harar Iyo bariga Gobolka Wajeer ee Kenya.

Qof daganaa Goob u dhawayd meesha uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in ay Al shabaab ku qaylinayeen “Allahu Akbar” kadib weerarka bilaabeen iyaga oo isku qarinaya madowga iyaga oo waliba Ciidanka ku qasbay in ay ka ordaan meeshii ay joogeen halkaas oo ay kaga tageen hub iyo xabado.

Waxa uu intaas sii raaciyay in dagaalyahanada Al shabaab lagu arkay magaalada Subaxnimadii iyaga oo ilaalinayay xaafada Khorof Harar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*