Bulshada Deegaanka Qorilay Oo Taageeray Wasiiro Uu Magacaabay Madaxwayne Deni.

Madax-Dhaqameedka, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Deegaanka Qorilay ee gobolka Sool oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray Magacaabista Golaha wasiirada cusub ee Puntland ee ka soo jeeda Gobolka Sool gaar ahaan wasiirka cusub ee wasaarada Amniga ee Puntland Ismaaciil Saleebaan Geele.

Dhaqanka, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Deegaanka Qorilay ee gobolka Sool ayaa Madaxweynaha Putland ee Siciid Cabdulaahi Denni uga mahadceliyay magacaabista wasiirada ka soo jeeda Degaanka Qorilay ee Gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka Iyo Dhalinyarada ayaa sheegay in ay wax weyn ka filayaan sawiirada cusub ee loo magacaabay Puntland kana filayaan in ay wax weyn u qabtaan guud ahaan Bulshada Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*