Ciidamada Nabad Sugida Somalia AMISOM Oo Iska Caabiyay Dagaal Ay Al-Shabaab Ku Qaaday & Khasaare Ay U Gaysteen

Ciidanka Nabad ilaalinta u jooga dalka Somalia ee AMISON ayaa xaqiijiyay in ay jimcihii Al-shabaab weerar ku soo qaatay deegaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Juubada hoose halkaas oo ay ciidanka AMISOM iyo waliba kuwa Jubbaland sal dhigyo ku leeyihiin.

AMISOM ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab waliba dagaalkaas kaga dileen Al-shabaab xubno ka tirsan ciidankeeda kana furteen hub ay ka baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 3 Qof looga dilay Al-shabaab halka ay kuwo kalena ku dhaawacmeen sida ay AMISOM ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saareen AMISOM.

Waxa intaas sii dheer in ay ciidanka Amaanka ee Jubbaland ka dhaawacmeen 2 Askari sida ay sheegayaan wararka ka imanay Degmada Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*