Dab Weyn Oo Ka Kacay Ex-Koontarool & Khasaarihii Ka Dhashay.

Ciidanka Dab-damiska ee loo yaqaano Hormuud Telecom Fire Brigade ayaa damiyay dab aad u weyn oo bur-buriyay Huryo badan oo ka dhisnaa isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa la sheegayaa in ayna wax Dad ah ku dhiman laakiin ay dad badan ku waayeen Hantidoodii kadib markii uu dabku dilaacay.

Hormuud Telecom fire brigade ayaa damisay dabka oo ahaa mid aad u weyn waliba bur-buriyay guryo dad daganaayeen inkasta oo ay dadkaas sheegeen in ayna cidna ku dhiman dabka.

Ilaa haatan wax warbixin ah lagama soo saarin sababta uu dabkaas u kacay iyo waliba inta uu leegyahay khasaaraha uu gaystay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*