DEG-DEG: Maxkamada Cadaalada Adduunka Oo Dib U Dhigtay Doodii Somalia & Kenya Ee Ku Saabsanayd Badda.

Maxkamada cadaalada adduunka ee The International Court of Justice ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in dib loo dhigay doodii taalay maxkamada ee ku aadanayd Badda ay isku haystaan Somalia iyo Kenya.

Maxkamada cadaalada adduunka ee The International Court of Justice ayaa muddo 10 bilood ah dib u dhigay dooda ku aadanayd Badda ee ka dhexaysay wadamada Somalia iyo Kenya.

Go’aankan ayaa imanaya kadib markii ay dalka Kenya dalbatay in dib loo dhigo Dooda si loola dagaalamo xanuunka Korona kaas oo ku sii faafaya adduunka.

Dooda labada dal ee ku aadan Bada ayaa dib loo dhagaysan doonaa Bisha March ee sanadka dambe ee 2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*