DEG-DEG: Somalia Oo Xaqiijisay 71 Kiis Oo Xanuunka Korona Ah

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo Koofish-19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood.

Bukaannada cusub oo 52 kamid ah rag yihiin , 19-na haween ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2. Laba ruux ayaa cudurka Koofish-19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 10 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 188.

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta ka dhalata, sidoo kale qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto Koofish-19 uu tago xarumaha caafimaad ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo cudurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*