DEG-DEG: Wasaarada Caafimaadka Somalia Oo Xaqiijisay In Ay Diwaan Galisay 73 Xaalad Oo Korona Fayras Ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo Korona ah, 13 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland 25, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween.

1,357 xaaladood oo Korona ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*