Gudoomiyaha Gobolka Mudug Oo Qarax Lagu Dilay.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 ka mid ahaa ilaaliyayaashiisa ayaa lagu dilay qarax gaadhi oo ka dhacay magaalada Galkacyo.

Bajaj seddex lug leh oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay banaanka Xafiiskiisa Gobolka Mudug.

Axmed Muuse Nuur ayaa la sheegay inuu ka tagayay xafiiskiisa markii uu qaraxu dhacay.

Waxaa la sheegay in ay Baabuurtu bur-burtay halka ay sidoo kale goobta ku dhaawacmeen dad Shicib ah oo ku dhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Tirada dadka ku waxyeeloobay wali lama oga, Dilka Noocan oo kale ah ayaa sidoo kale lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal 29-kii bishii March ee sanadkan.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*