Gudoomiyaha Xusibiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Madaxweynaha Puntland Ee Deni Ugu Baaqay In Uu Qoorta Ka Jaro Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Ahmed Karash

Gudoomiyaha Xusbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Wareebe ayaa Madaxweynaha Puntland ee Siciid Cabdilaahi Deni ugu baaqay in uu Shaqada ka caydhiyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

ENG.Faysal Cali Wareebe ayaa Madaxweynaha Puntland u sheegay in uu meesha ka saaro Ku xigeenkiisa maadama uuna meesha waxba ku darsan sida uu hadalka u dhigay.

Faysal ayaa sheegay in uuna Karaash waxba ku darsan Puntland oo uuna awood u lahayn in uu sool iyo Sanaag qaado oo uu ku daro majeerteenka isaga oo waliba u sheegay in uu marka hore qabsado qori lugud.

Fyasal Cali Wareebe ayaa Madaxweyne Deni ugu baaqay in uu Karaash shaqada ka caydhiyo waliba qoorta ka jaro una galo sidii Dhooba Daareed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*