Haayada Caafimaadka Adduunka Oo Xaqiijiyay In Ay Hayaan Dhawr Dawo Oo Xanuunka Covid-19 Ah Laakiin…

Haayada caafimaadka Adduunka ee WHO “World Health Organization” Ayaa sheegtay in la helay daawo u muuqda mid yaraynaya darnaanta ama dhererka cudurka neef-mareenka ee COVID-19.

Waxa warbixintan soo saaray Gudida haayada caafimaadka adduunka kuwaas oo sheegay in ay heleen 4 ilaa 5 daawo oo hoos u dhigaysa saamaynta uu xanuunku yeesho dadka.

“Waxaan haynaa xoogaa daaweyn ah inkasta oo ay ku jiraab bilowgii baadhitaanka iyo tijaabinta hadana waxa ay u muuqdaan kuwo xaddidaya darnaanta ama dhererka xanuunka laakiin ilaa haatan ma hayno wax cadayn ah oo muujinaya in ay dawadaas dilayso xanuunka ama ay joojinaso”ayay Tidhi gabadha Afhayeenka u ah haayada ee Margaret Harris.

“Waxa aan haynaa warbixin fiican oo ka soo baxaysa tijaabinta laakiin waxa aan u baahanahay in aan 100% ku kalsoonaano saamaynta daawada”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*