Haayada Caafimaadka Adduunka WHO Oo Sheegtay In Laga Yaabo In Uuna Xanuunka Covid-19 Waligiis Adduunka Ka Tagin.

Haayada caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in uu xanuunka Covid-19 Noqon karo mid aan adduunka ka tagi doonin sida xanuunka HIV-ga waliba ay tahay bulshada adduunku in ay bartaan sidii ay ula noolaan lahaayeen.

Xilli ay wadamada adduunku bilaabayaan in ay xayiraadaha ka qaadaan shacabkooda WHO ayaa sheegtay in aan Covid-19 la tir-tiri karin gabi ahaan.

“Waa muhiimin miiska la saaro, xanuunkan waxa laga yaabaa in uu noqdo mid aan Ka tagin bulshadeena, waxa laga yaabaa in uuna xanuunku gabi ahaan tagin sida HIV, laakiin waa in lala heshiiyo xanuunka”waxa sidaas yidhi Agaasimaha xaaladaha deg deg ah ee ha’yadda Mike Ryan

“Waxan u malaynayaa in ay muhiim tahay in aanu aqoonsano, waliba uuna qof-na saadaalin karin marka uu xanuunku gabi ahaan tagi doono”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xanuunka ayaa ilaa haatan Somalia ka dilay in ka badan 50 qof sidoo kale laga helay xanuunka in ka badan 1,200 oo Qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*