Jacaylku Ma Dhintaa Guurka Kadib, Waa Maxayse Sababta Uu U Dhinto?

Aaway jacaylkii weynaa ee iksu keenay labada lamaane sannado badan kahor? Aaway dareenka  ay lammaanuhu isweydaarsadeen waagii hore tiirkana u ahaa dhisida qoyskooda ? Waa maxay sababaha keena jacaylku inuu si lama filaan ah ugu dhinto, ama aayar aayar, guurka ka dib?

Jacaylka Weyn Si lama filaan ah ma u dhiman karaa? Dareenka xad dhaafka ah ma dami karaa waliba la waayi karaa?Sidee dareennada wanaagsan u noqon karaan dareemo xun? shaki kuma jiro in dareenka jacaylku uu yahay mid aan ku dhalanay iyada oo aan loo hayn sabab cad waxana uu sidoo kale dhiman karaa iyada oo aan loo hayn sababta macquulka ah. Hadaba waa maxay sababta uu jacaylku u dhinto guurka Kadib?

1.Maamulista:

Hadii Labada qof ee is qaba dareemaan in uu midba midka kale maamulayo waliba si aad u weyn waxa dhimanaya jacaylka kadib guurka isaga oo isku badalay xidhiidh guur oo caadi ah sababta oo ah in uu labada qof ee is qaba dareemaan in uu midba midka kale maamulayo waxa ay keenaysaa in uu dareemo in ay meesha ka baxday dadaalkii uu midba mid kale kale u samaynayay si ay u dhisaan jacaylkooda iyo daryeelooda.

2.Xidhiidh La’aanta:

Xidhiidh La’aanta labada qof ee is qaba ayaa ka jawaabay su’aasha ah waa maxay sababta uu u dhinto jacaylku kadib guurka? sababta oo ah in hadii labada qof ama mid ka mid ah uu ka mashquulo qofka kale waliba uu siin waayo masuuliyad iyo dareen waxa yaraanaysa xidhiidhka labada qof ee is qaba, xidhiidhka jacaylkuna ma noolaan karo xidhiidh la’aan.

3.Daryeel La’aan:

Ubaxu ma noolaan karaa hadii uuna daryeelin qofka iska leh? jawaabtu waa maya, hadab jacaylku waa sida ubaxa oo kale mana noolaan karo daryeel la’aan waxana uu u baahanyahay daryeel joogto ah si uu u noolaado.

4.Qadarin La’aanta Lamaanaha Nolosha:

Mar walba oo labada qof midkood dareemo in uuna qadarin ka haysan qofka kale waxa sii xoogaysanaya ama sii dhimanaya jacaylka way adagtahay in uu jacaylku sii socdo hadii ayna labada qof is qadarin.

5.Caajiska:

Caajiska ayaa ka mid ah sababaha ugu weyn ee uu jacaylku ku dhinto kadib guurka sababta oo ah caajiska ayaa keena kala fogaansho kala fogaanshaha labada qof ee is qaba ayaa keenaysa in uu dhinto jacaylku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*