Kenya Oo Dalbatay In Dib Loo Dhigo Dacwada Badda Ee Ay Kula Jirto Somalia & Dowlada Somalia Oo Ka Jawaabtay.

Wararka la helayo ayaa sheegay in ay Dawlada Kenya dalbatay in dib loogu dhigo dacwada bada ee ay kula jiro Dowlada Somali taas oo ka socota maxkamada cadaalada adduunka ee ICJ.

Wararka ayaa sheegaya in ay Kenya doonayso in dib loo dhigo dacwada sabab la xidhiidha xanuunka Korona kaas oo si xoogan adduunka fara ba’an ugu haya.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay in ay Dowlada Somalia ka soo hor jeedo in dib loo dhigo dacwada Bada inkasta oo ay dowlada Federaalka aqoonsatahay Halista xanuunka Korona.

Markan ayaa ah markii 3-aad ee ay Kenya Dalbatay in dib loo dhigo dacwada damaca ah ee ay Somalia ugu haysato badeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*