Khilaafka U Dhexeeya Madaxweynaha & Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo La Dhex-Dhexaadinayo.

Dallada Ururada Bulshada ee Puntland ee magaceeda Loo Soo Gaabiyo PUNS oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanayda dhex-dhexaadinta khilaafka u dhexeeya labada Madax ee ugu sareeya Puntland.

Khilaafkan ayuu u dhexeeyaa madaxweynaha Puntland ee Siciid Cabdulaahi Danni iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Axmed Clmi Cusman Karaash ayay Dalladu war saxaafadeed ka soo saartay halka ay wax u marayaan.

Gudoomiyaha Dallada Punsa Faysal Axmed Warsame Oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Arimuhu meel wanaasan u maraan isla markaasna ay filayaan in dhawaan labada masuul is hor fadhiistaan si loo soo Afjaro khilaafka ka dhex taagan.

Gudoomiyaha Dallada PUNS Faysal Axmed Warsame ayaa sheegay in ay labada Masuul ka go’antahay in ay xaliyaan muranka ka dhextaagan si ay dib ugu bilaabaan u adeegista bulshada Puntland.

Faysal Axmed Warsame Ayaa bulshada Puntland u sheegay In khilaafka ka dhexeeya labada masuulyahay mid dhanka maamulka ah laakiinse uuna ahayn mid shaqsi ah.

1 Comment

  1. ASC.
    Waa muhiim in ay dhankastaba ka heshiiyaan labada nin ee ugu masuuliyad saraysa maamulka puntlaan.Ma aha xiligii ay isqilaafi lahaayeen madaxda puntlaan.waxaa lagu jiraa wakhti uu jiro xanuun baahsan oo ay siyaasadaha soomaaliyana marayaan meel adag oo la xalin la yahay.Isla markaas xiligaan puntlaan waxaa soo eegaya cadawyo badan oo hadda u diyaara in ay ka faa’iidaystaan khilaafka labada masuul.Ugu dambayn Insha Allaah raggaasu waa in ay deg-deg u xaliyaan isafgaranwaaga yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*